Axad 27,July 2025 {HMC} Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo ururka AS oo loo aqoonsaday urur argagixiso.
Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna sheegay in Mareykanku weli mowqifkiisii hore uu ku taagan yahay AS oo ah urur argagixiso ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo shaac baxeen wararka ku saabsan in Mareykanka uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay kooxda AS , taasoo noqon karta isbeddel cusub oo ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida uu shaaciyay la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka, arrintan ayaa kordhisay suuragalnimada in xal wadahadal lagu dhameeyo kacdoonka tobannaan sano ka socday Geeska Afrika.
Hamza Warfa, oo horey la-taliye uga ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in maamulka Trump uu bilaabi karo inuu si toos ah ula xiriiro kooxda AS .



