Khamiis 8 August 2024 {HMC} La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalka Cusub ee lagu badalaayo ATMIS.
“Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay Dowlada Federaalka Soomaaliya gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.”Ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi siinaayay Televeshinka Dowladda .
Xuseen Macalin La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in howlgalkaan uu yahay kii ugu danbeeyay ee lagu soo Afjari lahaa guud ahaan Ciidamada Nabad ilaalinta u joogo mudada dheer gudaha soomaaliya.
Hadalkan ka so baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili maalintii shalay si rasmi ah loogu dhawaqay howlgalka cusub ee Nabad ilaalinta kaas oo loo bixiyay AUSSOM.



