Jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u xaqiijinaysaa in madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeed dhuleed aysan ahayn arrin gorgortan geli karta.
Dowladda Federaalka waxay si buuxda u oga soo horjeedaa tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya, oo ay ku jirto isku day kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, maadaama ay tahay qayb aan ka go’i kari kana mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya waxay adkaynaysaa in arrimaha la xiriira midnimada iyo qaab-dhismeedka dalka ay yihiin go’aan u gaar ah shacabka Soomaaliyeed, laguna xallin karo oo keliya waddooyin sharci, dastuur iyo si nabad ah.
Dowladda Federaalka sidoo kale waxay mar kale muujinaysaa taageeradeeda xuquuqda shacabka Falastiin iyo diidmadeeda gumaysi, barakicin iyo degsiimo sharci-darro ah.
Ugu dambayn Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka noocan ahi khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxayna caddeyneysaa inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.







