spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Turkiga oo Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada.

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada.

0
40

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya keentay nidaamka difaaca hawada, xilli ay Ankara dalka ka bilaabayso qodista shidaalka, isla markaana ay ka hirgelinayso saldhig hawada sare ah oo laga ganayo dayax-gacmeedka.

Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah.

Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16. Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo, iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here