Dowladda UK oo cunaqabateyn saartay taliye RSF.

0
27

Axad 14, Dec 2025 {HMC} Taliye ka tirsan ciidamada RSF oo kaalintii uu ka qaatay xasuuqii el-Fasher oo ay Warbaahinta soo bandhigtay ayey dowladda UK saartay cunaqabateyn.

Janaraal Al-Fateh Abdullah Idris oo sidoo kale loo yaqlaan Abu Lulu ayaa waxaa laga duubay muuqaal isagoo tooganaya ugu yaraan 10 la hayste oo aan hubeysneyn kaddib markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Kumanyaal qof ayaa la rumeysan yahay in ay dileen ciidamada RSF kaddib markii militeriga Sudan ay ka baxeen el-Fashar.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in tacadiyada ka dhcaya Sudan ay noqdeen “boog ku taal adduunka”, waxaana loo baahan yahay in loo ciqaabo kuwa ka dambeeyay.

UK waxay cunaqabateyn saartay saddex taliye oo ka tirsan RSF, waxaana ka mid ah saraakiishaas taliye ku xigeenka ciidamada Abdul Rahim Hamdan Dagalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here