Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inay dawladda Venezuela diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan uu Mareykanka ku qaado dalkaa , iyadoo gobollada Venezuela lagu daadiyay guutooyin ciidamo ah oo u diyaarsan dagaalka dhuumalaysiga ee ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, si ay isaga caabiyaan haddii Mareykanku go’aansado inuu Venezuela dagaal ku qaado.
Saraakiisha amniga ee Venezuela, waxay u arkeen inaysan lahayn awood milatari oo si toos ah uga hortaggi karaan dagaalka Mareykanka , taa beddelkeeda waxay doonayaan inay meel kasta dagaallo aan toos ahayn uga furaan haddii ciidanka Mareykanka ay gudaha usoo galaan dhulka Venezuela oo ay ku jirto in la carqaladeeyo xasilloonida , si aysan Mareykanka ugu suragelin inuu nidaam taacabsan ka dhiso Venezuela.






