Dowladdaha Pakistan, Turkiga, Sacuudiga iyo Masar oo ka shiraayo joojin Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka.

0
13

Axad 29 March 2026 {HMC} Wasiirrada arrimaha dibadda ee Wadamada  Pakistan, Turkiga, Sacuudiga iyo Masar ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeelanaya magaalada Islamabad, oo ah caasimadda dalka Pakistan.

Sida ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, iyo arrimo kale oo muhiim u ah gobolka iyo caalamka.

Kulankan ayaa la filayaa inuu horseedo is-afgaradyo cusub oo ku saabsan arrimaha istiraatiijiga ah, iyadoo dalalkan ay door weyn ku leeyihiin siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in wasiirradu ay ka wada hadlaan caqabadaha amni iyo kuwa dhaqaale ee ka jira dalalkooda iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay soo baxaan marka kulankaasi soo dhammaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here