spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Duqeeymo loo Geeystay Saldhigyo ay ku Sugnaayeen Militeriga Suudaan

Duqeeymo loo Geeystay Saldhigyo ay ku Sugnaayeen Militeriga Suudaan

0
55

Axad 04, May 2025 {HMC}  Ciidamada milateriga Suudaan ayaa sheegay in ciidamada RSF ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan iyo xarumo kale oo ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Port Sudan.

War kasoo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidanka cirka, bakhaar lagu kaydiyo alaabaha, iyo xarumo rayid ah.

Tani waa markii ugu horreysay ee magaalada ku taalla bariga Suudaan ay la kulanto weerar toos ah oo kaga yimaada RSF tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Ugu yaraan shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ay weerarka fuliyeen, iyaga oo si gaar ah u beegsaday qeybta milateri ee garoonka Port Sudan.

Illaa hadda lama soo sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadka rayidka ah. Sidoo kale ma cadda in RSF ay si gaar ah u beegsaneysay diyaaraddii dagaalka ee lagu soo bandhigay bandhig ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here