Jimco 6 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Abbas Araghchi oo la hadlay Telefashinka NBC ee Mareykanka ayaa si weyn uga hadlay siyaasadda dagaal ee dalkiisu qaatay, waxa uu qiray in ciidamada Ilaalada Kacaanku u diyaarsanyihiin weerar kasta oo dhulka ah oo ay Iiraan wajahdo,
dhinaca kale, mar wax laga weydiiyay in Shiinaha iyo Ruushku taageerayaan ciidamo ahaan, laakiin ma uusan bixin jawaab dhammeystiran, hase-ahaatee, si xeeladeysan ayuu u sheegay in uu ka dhexeeyo iskaashi ku dhisan isfahan ku qotoma xeerarka diblumaasiyadda iyo in ay yihiin waddamo saaxiib ah.
Geesta Kale, Warbaahinta Bariga dhexe ayaa tebineysa in la la’yahay duuliye Mareykan ah oo la aamisanyahay in Iiraan ay toogatay diyaaraddiisa, gudaha Ciraaq ayaa laha baadi goobayaa.



