Eritrea oo loogu baaqay in ay xabsiyada ka sii dayso dadka muddada dheer u xiran.

0
12

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay sii-daynta 13 qof oo Eritrean ah oo ku xirnaa xabsi iyagoo aan maxkamad la soo taagin muddo ku dhow 18 sano, waxayna ku tilmaantay tallaabadan horumar wanaagsan. Sidoo kale waxay ugu baaqday maamulka dalkaas inay sii daayaan dhammaan dadka kale ee sida sharci-darrada ah loo hayo.

War-saxaafadeed ay soo saartay, Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday Eritrea inay si shuruud la’aan ah u sii deyso dhammaan maxaabiista harsan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo hore oo ka tirsanaa dowladd.

Qaramada Midoobay waxay qiyaastay in in ka badan 10,000 oo qof si aan sharci ahayn loogu hayo xabsiyada Eritrea, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin, suxufiyiin, hoggaamiyeyaal diimeed iyo arday. Dadkan waxaa la xiray sanadkii 2001 kaddib markii ay dalbadeen dib-u-habeyn siyaasadeed iyo mid maamul.

Dowladda Eritrea ayaa sii deysay 13-kaas qof 4-tii Diseembar, kuwaas oo ay ku jireen ganacsato, askar boolis ah iyo xirfadlayaal kale, kuwaas oo muddo ku dhow labaatan sano ku xirnaa xabsiga milatari ee Mai Serwa.

Intaa waxaa dheer, ilo ku sugan gudaha iyo dibadda dalka ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiintu ay sidoo kale sii daayeen 98 xubnood oo ka tirsan kaniisad mamnuuc ah, kuwaas oo badankood sanado badan xabsiga ku jiray.

Xigasho bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here