Isniin , 07 Jully 2025 {HMC} Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo Baxeeyso Weerar ismiidaamin ah iyo Dagaalo Culus oo ka dhacay Duleedka degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan Manta.
Weerarka ismiidaaminta ah ayaa sababay dhimasho iyo dhawac Sida ay Hiiraanweyn u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Qaraxa kadib waxaa biloowday Dagaal xoog leh oo udhaxeeyso Al-shabaab iyo Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Dagaalkan oo ahaa Mid Culus ayaan la ogeeyn Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Weerarka. Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa sheegay in ay iska difaaceeyn dagaalka Al-shabaab ay kuso qaadeeyn.
Waxii Warar ah ee kuso kordho Hiiraanweyn Kala soco.



