FAAH FAAHIN Dagaal ka dhacay degmada Matabaan.

0
170

Isniin 26, August 2024 {HMC} Faah Faahin dheerad ah ayaa kasoo Baxeeyso Dagaal Kooban oo ka dhacay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kaasi oo udhaxeeyso Ciidamada Booliska degmada iyo Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa salka ku haayo Muran la xariirto Dhanka Canshuurta ah. Ciidamada Booliska degmada Matabaan ayaa saakay la Wareegay Koontaroolkii degmada oo gaadiidka lacagaha Canshuurta looga qaadi jiray.

Intaasi kadib Ciidamadii horey ugu sugnaa goobta ayaa Caawa Weerar kusoo qaaday Koontaroolka degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaado kooban oo ilaa iyo hada la ogeeyn Khasaaraha ka dhashay.

Khilaafka sababay Dagaalka ayaa u dhaxeeyso Taliyaha Saldhiga Booliska degmada iyo Gudoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdullaahi Sheekeye oo degmada ka maqan. Odoyaasha dhaqanka degmada Matabaan ayaa ku baxay Joojinta Xiisadan,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here