FAAH FAAHIN Dagaal ka socda gudaha marinka Qasa.

0
39

Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Waxaa sii xoogeysanaya dagaal ka dhex qarxay magaalada Qasa, kaasoo tan iyo shalay u dhexeeya ciidamada Xamaas iyo kooxo hubeysan oo la sheegay in ay yihiin maleeshiyaad taageero ka helaya Israaiil.

Sida ay sheegeen ilo sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Xamaas, dagaalka ayaa dhacay kaddib markii maleeshiyaadku weerareen kooxo dad ah oo kasoo laabtay koonfurta Qasa, halkaas oo ay hore ugu barakaceen intii uu socday duullaankii Israaiil.

Weeraradaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan, waxaana la xaqiijiyay in tiro ka mid ah ciidamada ammaanka ee Xamaas la dilay.

Warbaahinta Israa|l ayaa sheegtay in ciidamada Israa|l ay sii wadi doonaan bixinta taageero iyo ilaalin kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Xamaas, xitaa kaddib marka ay ciidamadoodu si rasmi ah uga baxaan Qasa.

Tani waxay muujinaysaa in Israaiil ay weli dooneyso inay gacanta ku hayso xaaladda gudaha Qasa, iyadoo adeegsanaysa kooxo maxalli ah oo ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan awoodda iyo xukunka Xamaas.

Ilo amni ayaa sheegay in dagaallada qaarkood ay maanta ka dhaceen deegaanno ku dhow xarumaha maamulka Xamaas ee magaalada Qasa, halkaas oo la sheegay in rasaas culus iyo madaafiic la isku adeegsaday.

Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegay in ay maqleen duqeymo iyo dhawaqyo xabbado culus ah oo aan hore looga baran gudaha magaalada, taas oo muujineysa in dagaalka uu ka dhan yahay in Xamaas sii ilaaliso gacanta ay ku hayso magaalada.

Falanqeeyeyaasha ayaa tilmaamaya in dhacdadani ay calaamad u tahay wejiga cusub ee dagaalka Qasa kaddib bixitaanka Israaiil,wejiyo ay calaamad u tahay isku dhac gudaha ah oo laga yaabo in uu Qasa u horseedo fowdo cusub.

Dhanka kale, Xamaas ayaa lagu wadaa inay soo saarto bayaan rasmi ah oo ay kaga hadleyso dhacdooyinkan, iyadoo la filayo inay ku eedeyso Israa|l inay ku sii hurineyso dagaal sokeeye gudaha Qasa.

Waxaa muuqata in Qasa ay markale u gashay marxalad cusub oo khatar ah ,dagaal aan ahayn mid Israaiil toos u wado, balse ay gacan hoose ku leedahay, iyadoo adeegsaneysa maleeshiyaad ka soo jeeda Qasa ah oo u adeega danaha Israaiil.

W/Q Iman Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here