spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS FAAH FAAHIN Dagaal Sababay Dhimashada in kabadan 10 Qof oo ka Dhacay...

FAAH FAAHIN Dagaal Sababay Dhimashada in kabadan 10 Qof oo ka Dhacay Deegaanka Yaaq-Bariweyne.

0
1122

Talaado 20-Jun 2026 {HMC} ​Dagaal aad u xooggan ayaa galabta ka dhacay deegaanka Yaaq Bariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo koox hubeysan.

​Dagaalkan oo istaagay xilli maqribkii ah, ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawacyo tiro kale ah, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaan deegaankaas ka dhaca.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jiraan shakhsiyaad horey ay xukunno ugu riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

​Inkasta oo xaaladdu hadda tahay mid deggen, haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday saraakiisha ciidanka.

Waxaana weli la sugayaa faahfaahintooda ku saabsan tirada rasmiga ah ee khasaaraha, maadaama xogta laga helayo deegaanka ay tahay mid kooban xilligan.

Wixii faah faahin dheri ah ee kasoo kordha dhacdadaan waan idiinla wadaagi doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here