Faah-faahin dheerad ah oo kasoo baxaysa Dab saaka aroortii qabsaday qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

0
51

Axad-10-March,-2024-{HMC} Dab xooggan ayaa saaka aroornimaii xiligii salaada subax ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Dabkan ayaa yimid ka dib jug weyn oo saaka laga maqlay aaga suuqa, wararka qaarkood ayaa sheegaya in miino lagu xiray dhisme ku yaalla suuqa uu ka dhashay dabka.

Wararka ayaa sheegaya dhismeyaasHa gubanaya ay ku yaalaan qeybta Cabdalla shideeye ee Suuqa oo inta badan lagu iibiyo qalabka Elektrooniga.

Dabka ayaa si weyn u saameeyey Dukaan lagu magacaabo Jeexow oo halkaas ku yaalla waxaana uu ku faafay dhismeyaal iyo Dukaamo kale, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qeybaha kale ee Suuqa.

Gaadiidka dab damiska ayaa isku dayaya iney gaaraan goobta uu ka kacay dabka waxaana caqabad ku noqday sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here