FAAH FAAHIN Dil ka dhacay Magaalada Baladweyne.

0
84

Khamiis 31 July 2025{HMC}  Allaha u naxariistee Aadan Axmed Khaliif oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Baladweyne ayaa Duhurnimadii maanta Lagu dilay meel aan ka fogeeyn xerada daraawiishta.

Ehelada aadan ayaa sheegay in aan si dhab ah loo ogeeyn sababta ka dambeeysay Dilka Wiilkooda, waxaana wali meeydkiisa uu yaala Magaalada.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in rasaas dad lagu kala Celinayay uu ku dhintay halka kuwa kalena ay sheegayaan in marxuunka iyo Qofka dilka geeystay ay Xurguf hore ka dhaxeeysay.

Ninka dilka geeystay ayaa baxsaday waxaana marxuunka lagu wadaa in maalinta bire ah La aaso Sida ay ehadiisa u sheegeen Hiiraanweyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here