spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS FAAH FAAHIN Holgalkii shalay ka dhacy Deegaanka Yaaqbari-Weyne.

FAAH FAAHIN Holgalkii shalay ka dhacy Deegaanka Yaaqbari-Weyne.

0
21

Arbaco 21-Jun 2026 {HMC} Muddooyinkaanba Nolol iyo Geeri ayaa lagu Raadinayey Koox Burcad ah oo dhowaan Maxkamadda Ciidamada ay ku xukuntay Dil toogasho iyaggoo Maqaneyaal ah, Balse Shalay ayey suurta gashay inay Ku Baxaan Gacanta Ciidamada, iyaddoo wali kuwa kale oo firxad ah lagu baacsanayo Baadiyaha Deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Sh.hoose.

Ciidanka Xoogga dalka iyo Booliska Degmadda Wanlaweyn oo Iskaashanaya ayaa howlgal ay ka sameeyeeen Gudaha Deegaanka Yaaqbari weyne Waxay ku Dileen 3 kamid ah Maleeshiyaad Baxsad ka ahaa Caddaalladda oo loo heysto Dembiyo Kala Duwan.

Xuseen Maxamed Cabdulle, Maxamed Wadani & Shikshikow, ayaa Lagu Dilay Howlgalka, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Weerar lagu Qaaday Ceelka Yaaqbari weyne oo ay ku dhinteen afar qof & dhaawaca Shan kale, Dilka Labo Muwaadin oo Rayid ah & Falal kale oo ay kamid tahay Isbaaro baad looga Qaato Shacabka.

Seddexda la dilay oo ay wehliyeen Kuwa kale ayaa Maxkamadda Darajadda Koowaad ee CQS waxay 22 November ee Sanadkii hore ku xukuntay Dil toogasho, iyaggoo maqaneyaal, kadib fadhi ay ka yeelatay kiiskaan, xilligaasna waxaa Ciidamada la amray inay Nolol iyo Geeri ku keenaan Xukunsaneyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here