spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS FAAH FAAHIN Howlgal Qorsheeysan oo Caawa Laga Fuliyay Dagmada Saakoow.

FAAH FAAHIN Howlgal Qorsheeysan oo Caawa Laga Fuliyay Dagmada Saakoow.

0
37

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa caawa fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xaruntii ugu weynayd ee Khawaarijta ku lahayd degmadaas, taas oo ay u adeegsan jireen farsamaynta iyo diyaarin qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalkaasi wuxuu ku soo dhammaaday guul, iyadoo gebi ahaanba la burburiyay warshaddii lagu farsameyn jiray qaraxyada.

Intii hawlgalka uu socday, waxaa goobta lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen shaqsiyaad loo adeegsaday farsamaynta iyo diyaarin qaraxyada lagu gumaado ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, isla caawa, tuulada Gabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa laga fuliyay duqeyn dhanka cirka ah, taas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah. Duqeyntaasi ayaa lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana la gaarsiiyay khasaare culus oo lagu wiiqay awooddooda argagixiso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkaynaya go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

F G Warkan waxaa Lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here