spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS FAAH FAAHIN Howlgalo qorsheysan oo laga Fuliyay duuleedka Muqdisho

FAAH FAAHIN Howlgalo qorsheysan oo laga Fuliyay duuleedka Muqdisho

0
119

Talaado November 21, 2023 {HMC}  Ciidamada xasilinta Caasimadda ee Boliisa Milataare ayaa xalay howlgalo qorsheysanaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ciidanka xasilinta ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magaalada Caasimadda ah, islamarkaana looga hortagaayay qatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalkooda baaritaano guri guri ah uga sameeyay xaafdaha deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana sidoo kale ay baarayeen gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa jiray howlagalo noocaan oo kale ah oo ay ciidanka xasilinta ka sameynayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in amaanka Caasimadda Muqdisho uu yahay mid la mid ah Caasimadaha kale ee Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here