Axad 2, Nov 2025 {HMC} Deegaanka Guudoole Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay Dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 4 qof iyo dhaawaca 9 kale kuwaas oo isugu jira Dad rayid ah Rayid ah & Maleeshiyaadkii dagaalamay
Odoyaal dhaqameedka deegaanka ah ayaa ku baaqay in lagu soo baxo daminta colaaddaan oo saamayn taban ku reebtay deegaankooda maadaama dilalka aanooyinka iyo iska hormaadka dhexmaraya maleeshiyaadka hubaysan ay kordheen
Dowlad-Goboleedka Galmudug oo aan weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada iyo dilalka aanooyinka la xiriira ee kordhay ayaa ku howlan sidii ay u raadin lahaayeen xalka lagu soo afjarayo colaaddaas sida wararku sheegayaan
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa colaadda taagan, waxaana socda qorshe lagu diyaarinayo ciidamo federaalka ah oo la geynayo deegaannadaas si xabbad-joojin loo dhaqangeliyo.



