faah faahinta Dagaal Culus oo ka Dhacay Gobolka Gado.

0
44

Isniin, 28 Jully 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladda magaalada Doolow oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya oo taageero ka helaya kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida ee NISA ku leeyihiin magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhinacyada ay is weedaarsadeen rasaas iyo madaafiic.

Wararka ayaa intaasi ku daraya ciidanka Itoobiya u suuragashay in ay gudaha u galaan xirada ciidan ee NISA, iyaga oo gubay saanad ciidan oo halkaasi tiilay.

Sidoo kale, waxaa weerarka ku dhaawacmay saraakiil ciidan, wallow aan tirada rasmiga ah ee khasaaraha laheyn.

Saaka xaaladda magaalada Doolow ayaan daganeyn, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya.

Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin dagaalka Doolow iyo xaaladda magaaladaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here