Arbaco, 16 Jully 2025 {HMC} Waxaa lagu guulleystay in la kala qaado ciidankii isku hor fadhiyay gudaha magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyada oo la soo afjaray xiisaddii halkaasi ka taagneyd.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaal laba jeer saacado gudahood ka dhacay gudaha magaalada Dhahar, iyada oo dad kalena ay ku barakaceen.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka Puntland ay isku dayeen in ay gudaha u galaan gudaha magaalada Dhahar, iyadoo ay ka hor istaageen Ciidanka Deegaanka ee Maakhir.
Waxgaradka labada dhinac ee Puntland iyo dadka deegaanka Maakhir ayaa saacadihii la soo dhaafay waday wada hadallo iyo xallinta xiisadda taagneyd.
Sidoo kale, kulamada wada hadalka ayaa waxaa qeyb ka qaatay Mas’uuliyiin ka socda Puntland oo saaka tegey magaalada kuna biiray dedaallada dejinta xaaladda.
Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa hadallo kala duwan ka soo saaray xaaladda gobolka Sanaag, iyaga oo is dhaafsaday eedo kala duwan.
Dhaqdhaaqyada ayaa ka dambeeyay ka dib markii magaalada Laascaanood uu ka billaawday Shirwaynaha Dhismaha Maamulka SSC Khaatumo, kaasi oo la sheegay in ay ku midoobi doonaan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.



