spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Faahfaahin ka soo baxaysa ganacsade ka soo jeeda koonfur galbeed oo Boosaaso...

Faahfaahin ka soo baxaysa ganacsade ka soo jeeda koonfur galbeed oo Boosaaso lagu dilay

0
159

Talado December 4- 2023{HMC}  Allaha unaxariistee waxaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso ee Puntland nin lagu magacaabi jray malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan oo aad looga qaannay magaaladaasi isla markaana ahaa ganacsade

Wararka ayaa sheegaya in dilku uu dhacay xilli Malaaq Ibraahim uu ka soo baxay masaajid u uku tukaday salaaddii subax.

Malaaq Ibraahim ayaa ka mid ahaa sida la sheegay hormuudka bulshada ka soo jeedda deegaannada Koonfur galbeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso, ilaa iyo haddana wax faahfaahin ah lagama bixin dilkiisa cidda ka dambeysay iyo sida uu u dhacay.

BBC-da oo la xiriirtay laamaha ammaanka ee Boosaaso si ay wax uga waydiiso arrintaan ayaan helin wax jawaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here