Talaado, 22 April , 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas goor dhaw ka dhacay Qarax, geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nuuca miinada soo boodada ah, kaas oo uu ka dhacay maqaayad yar kuwa lagu shaaho ah oo kuyaalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan meel ku dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur.
Inta la xaqiijiyey Qaraxa waxaa ku dhimatay hal qof oo shacab ah kaas oo la sheegay in uu marayey goobta uu qaraxa ka dhacay, halka ay ku dhawaacmeyn saddex qof oo kale.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd goob ciidamada ammaanka ay ku baaraan gadaiidka.
Weli laamaha amniga gobolka wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaan ka dhacay degmada Dayniile, balse waxa uu ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu amnigeeda isbadal uu ku yimi.



