spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Faahfaahin Qarax lala Beegsaday Ciidamada Kenya

Faahfaahin Qarax lala Beegsaday Ciidamada Kenya

0
21

 Arbaco July, 8 2025 {HMC} Ugu yaraan toddobo askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax miino lagu weeraray gaarigii ay wateen, xilli ay marayeen wadada u dhaxeysa deegaannada Aresa iyo Khalalio ee Bariga Mandheera.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu si gaar ah u haleelay qeybta dambe ee gaariga ciidamada, taasoo sababtay dhaawaca toddobada askari.

Sida lagu sheegay warka rasmiga ah, qaar kamid ah saraakiisha ku sugnaa gaariga ayaa ka badbaaday weerarka, xilli ay ku jireen howlgallo amni xaqiijin ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee sidaan oo kale waxaa dhowr jeer halkaasi qaraxyo ka fuliyay AS.

Ciidamada ammaanka ayaa durbadiiba bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga waddooyinka magaalada Mandheera.

Gobolka Mandheera oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa waayadan dambe wajahaya weerarro joogto ah oo lagu bartilmaameedsado ciidamada iyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here