Jimco 15 March, 2024 {HMC} MUQDISHO — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay xalay maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ku qaadeen hoteelka SYL ee ku yaalla Muqdishu, waxaana weerarkan uu gaystay khasaare nafeed iyo hanti labadaba.
Xubno ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarkani ku qaaday hotelka SYL ee ku yaalla badhtamaha magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal kala duwani ay sheegeen .
Saraakiil amni iyo goobjoogayaal ka gaabsaday in magacyadooda la sheego, ayaa sheegay in weerarka ka hor, inuu jiray qarax ka dhacay bannaanka hotelka.
Warar aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan, saraakiil ciidan, xildhibaano isugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan ku jira baarlamaanka.
Weerarkan oo ka socda hotelka SYL ayay masuuliyaddiisa sheegteen kooxda al-Shabaab, iyaga oo sheegay in xubno ka tirsani inay gudaha u galeen SYL.



