Faragalinta maamul goboleedyada ee Dowladda Federaalka Dastuurka miyaa u oggol?

0
14

Sabti 4 April 2026 {HMC} Dhammaadkii bishii aynu soo dhaafnay, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay maamulka Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamadu ay xoog ku galeen.

Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa 30-kii Maarso oo ah xilliga lagala wareegay gacanta ku haynta magaalada ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, gaar ahaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu ku yiri ”Laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026, waxaan iska casilay xilka madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen”

Kadib dhacdadaasi waxaa ay dhalisay su’aalo badan oo la xiriira sharciyada ay dowladda Soomaaliya u adeegsatay inay si awood ah ay kula wareegto xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed iyo inay sidoo kale maamul usoo magacowdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here