Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay tagiddiisa Muqdisho.
Bayaan uu soo saaray Mr Farmaajo ayaa lagu sheegay in inta uu ku sugan yahay Muqdisho “uu sii xoojinayaa dadaallada heer Qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn”.
Madaxwaynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sida bayaanka ku xusan uu kulammo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka la qaadan doona hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.



