Arbaco, 24 Sep 2025 {HMC} Tacaddiga iyo jirdilka loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyey Suuqa Siinay waa mid dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee ku aaddan dowladnimada, waana fal ay tahay in sida uga adag looga jawaabo.
Muuqaallada naga soo gaaray aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed ee waayeelka ah ee sida bahalnimada ah loo jirdilayo iyadoo boqolaal qof ay daawanayaan waa boog madoow oo aan harayn iyo dulmi weyn.
Sidaas awgeed, waxaan cambaaraynayaa falka iyo tacadiga loo gaystay aabahaas waayeelka ah oo horey looga barakiciyey dhulkiisii.
Laamaha ammaanka, askar iyo saraakiilba, waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta falalkan soo laalaabtay ee lagula kacayo birmo-geydada Soomaaliyeed ee la barakiciyey.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan gurmadka iyo garab istaagga muwaadiniinta nugul ee la bara kiciyey.
Waxaana xuukuumadda iyo hay’adaha aminga uga digeynaa ku xadgudubka karaamada iyo xaquuqda aasaasiga ah ee muwaaadinka oo saldhig u ah dastuurka dalka.






