FESOJ oo Baydhabo ku qabtay Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan.

0
26

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan yahay, gaar ahaan xalinta caqabadaha haysta in la helo waxbarsho loo siman yahay ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Faarax Cumar, Xogahaya Guud ee ururka saxfiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ oo Falanqaynta daadihinayay ayaa sheegay in FESOJ iyo EFASOM ay iska kaashanayaan ololahan kor loogu qaadayo wacyigalinta waxbarshada caruurta soomaaliyeed, lana doonayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan in la helo waxbarsho ay u siman yihiin wiilka iyo gabdha, waxbarsho ay u siman yihiin, caruurta naafada, kuwa saboolka iyo dhamaan bulshada daruufaha gaar ahaaneed ay haystaan.

Wasiiraka Warfaafinta Dawlad goboleedka Konfur galbeed Maxamed Ibrahim Bilaal oo kulanka furay ayaa soo dhoweeyay doodan kuna tilmaamay mid wax ku kordhinaysa wacyigalinta inay caruurta helaan waxbarsho loo dhan yahay, siiba gabdhaha iyo dadka nugul ee Naafadu ka mid yihiin.

Wasiirka ayaa balan qaaday in warbaahinta dawlada koonfur Galbeed ay qayb wayn ka qaadan doonto ololahan.

Falanqayntan oo ay ka qaybgaleen waalidiin, macalimin, masuuliyiinta waxbrashada Konfur Galbeed, dadka laga badan yahay, ururo bulsho, warbaahinta iyo dhamaan qaybaha ay aad u khuseeyaan caqabadahan taagan ayaa si furfuran uga hadlay, su’aalana iska waydiiyay hawshan ololahan wacyigalinta waxbarashada la xariirta.

Gabagabdii ayaa Balanqaadyo micna wayn leh laga soo jeediyay, ayada oo Falanqaynta ay noqon doonto mid dadwaynaha loo baahiyo.

Ustaad Faarax Cumar ayaa uga mahadceliyay dhamaan qaybaha ka soo qaybgaley falanqaynta, asagoo sheegay in talooyinka ay u soo jeediyeen warbaahinta la qaadan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here