Axad 4, Jan 2026 {HMC} Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen 5 kale kaddib markii miino waddada la geliyay ay haleeshay Gaari ay la socdeen Dad rayid ah oo ka safray Magaalada Muqdisho una sii jeeday Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Gaariga qaraxa uu qabsaday ee dadka rayidka ah ay saarnaayeen waxa uu noociisu ahaa Toyota Land Cruiser oo dadka qaar ay u garanayaan (Laylo Calaawi) kana mid ah Gaadiidka inta badan ka shaqeeya Muqdisho & Gobollada Dhexe.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay isugu jireen Haween, Carruur, Dad da’ ah & Dhallinyaro kuwaas oo intooda badan ahaa Dadweynihii Rakaabka ahaa ee u safrayay Degmada Xeebta leh ee Ceeldheer Gobolka Galgaduud.
Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara maadaama gaariga la sheegay in ay la socdeen Dad intaas ka badan, waxaana la sheegay in ay ku baxeen Dad gurmad u samaynaya si ay usoo qaadaan Dadkaas dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee daryeelka Caafimaad u baahan.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Dhexe ee Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo looga hadlay qaraxaan khasaaraha dhimashada & Dhaawaca u gaystay Dadka rayidka ah ee ka safray Muqdisho una sii jeeday Galgaduud.
La soco wixii kasoo kordha



