spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kim Jong Un oo diyaarinayo sidii uu xilka ugu wareejilaha ...

Kim Jong Un oo diyaarinayo sidii uu xilka ugu wareejilaha gabadhiisa.

0
17

Khamiis 12 Feb 2026 {HMC}  Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Koonfur Kuuriya ayaa shaacisay inay rumeysan tahay in hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, uu gabadhiisa yar ee Kim Ju Ae u diyaarinayo sidii ay u noqon lahayd qofka beddeli doona ee dhaxli doona xukunka dalkaas.

Xogtaan cusub ayaa muujineysa in gabadhaan loo diyaariyay qabashada Hoggaanka, haddii uu meesha ka baxo aabaheed oo gacan bir ah ku haya dalkaasi.

Warbixintan ayaa laga dhex akhriyey kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ay Sirdoonka Kuuriyada Koofureed yeesheen, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Yonhap.

“Kim Ju Ae waxaan ku dhex arragnay munaasabadda maalinta ciidanka qaranka Kuuriayda Waqooyi, waa calaamad muujineysa in loo diyaarinayo noqoshada hoggaamiyaha dalkaasi” ayaa lagu yiri Bayaanka Sirdoonka Kuuriyada Koofureed.

Sidoo kale, gabadhaan da’da ayar ayaa waxaa la geeyay xarruumo muhiim ah oo ku yaalla dalkaasi si loo tuso shaqada qoyskooda ka soo qabtay dalkaasi.

Warbixinta ay baahiyeen sirdoonka Kuuriayda Koofureed kama hadlin cida ay quseyso ee Kuuriyada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here