spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ganacsatada Soomaalida ee k/Afrika Oo Qeeyla dhaan ka Muujiyay dilalka logu beegsanayo.

Ganacsatada Soomaalida ee k/Afrika Oo Qeeyla dhaan ka Muujiyay dilalka logu beegsanayo.

0
16

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Dalka Koofur Afrika waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusii kordhay dilalka ka dhanka ah Ganacsatada Soomaalida ee dalkaas ku sugan, waxaa intaas dheer dhaawac qaarkood laga daweynayo xiligaan iyo boob loo gaystay dukaamo.

Xalay kooxo hubaysan oo ilaa haatan aan lasoo qaban ayaa dilay Marxuum Qaasim Cabdi Xasan (Qaasim Khayre), dhaawac culus oo soo gaaray ayuu ugu dambayn u dhintay sida ay sheegeen xubno katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Afrika weli kama hadlin dilalkaan kusii badanaya Dalkaas, Ganacsatada ayaa dalbatay in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatadaan kusoo korortay oo muddooyinkii dambe ay ka xasiloonaayeen.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in marka la gaaro bilaha dhammaadka ee sanadka in ay kordhaan weerarrada ajaanib nacaybka ah ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo boobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here