Isniin 6 April 2026 {HMC} Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay warbaahinta kala duwan kaddib markii telefishinka Channel 14 ee Israa’iil uu baahiyay in Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu taageero, uu sheegay in ururka Hezbollah ay gantaallo ku weerareen markabka ciidanka badda Ingiriiska ee HMS Dragon.
Warbixinta ayaa tilmaamaysay in weerarkan uu ka dhacay meel u dhow xeebaha Lebanon, xilli markabku halkaas ku sugnaa howlgal la xiriira ammaanka badda.
Si kastaba ha ahaatee, warar degdeg ah oo kasoo baxay dhinaca Ingiriiska ayaa si toos ah u beeniyay sheegashadaas. Wargeyska The Telegraph oo soo xiganaya ilo ka tirsan ciidanka badda Boqortooyada Ingiriiska ayaa caddeeyay in markabka HMS Dragon uusan la kulmin wax weerar ah, isla markaana uu si nabad ah u shaqeynayo.
Ilo rasmi ah ayaa sidoo kale tilmaamay in wararka ku saabsan weerarka aysan lahayn wax sal iyo raad ah, taasoo muujineysa kala duwanaanshaha xogaha ka imaanaya warbaahinta caalamka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan gobolka Bariga Dhexe, taasoo mararka qaar keenta in warar aan la xaqiijin si degdeg ah u faafaan.



