Gantaalo laga ridday marinka Qasa oo Lagu garaacay Gudaha Israiil.

0
34

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa ku warramay in waxyar ka hor shan gantaal laga ridday marinka Qasa, kuwaasoo lagu weerarray bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israaiil, iyadoo warbixinta ay sheegtay ugu yaraan mid ka mid ah inuu ka gudbay nidaamyada difaaca oo bartilmaameedkiisa ku dhacay.

Gantaalladan waxaa Qasa laga tuuray, xilli maanta ay Xamaas sii deysay muuqaal argagax ka dhaliyay gudaha Israa|l oo laga arkay dagaalyahannada Qasaam oo toogasho ku dilaya askarta Israaiil.

Waxay u muuqataa in weerarradan loogu talagalay in lagu muujinayo iska caabinta inay wali leedahay awood ay ku gorgortanto oo ka dhalanaysa labo sanno iyo bar oo Israaiil dagaal ka wado gudaha Qasa , in wali Xamaas ay awood u leedahay weerar gantaallo ka dhaca meelo ka fog Qasa iyo toogashada askarta Israa|l , tan oo loo qaadanayo inay ku socdaan cid kasta oo u arkaysa in la joogo marxalad la daciifiyay iska caabinta ama lagu soo rogi karo shuruudo hal dhinac ah , xilli qorshe uu diyaariyay Trump la sugayo inay go’aan ka soo saarto Xamaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here