spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shil kugashay Diyaarad Rakaab .

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shil kugashay Diyaarad Rakaab .

0
24

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} – Wararka ka imaanaya gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad kuwa rayidka ah ay shil ku gashay Garoonka kaddib markii ay cilad farsamo ku qabsatay wax yar uun ka dib markii ay hawada gashay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin, ayaa u sheegay BBC-da in diyaaradda ay ka kacday Garoonka Aadan Cabdulle, islamarkaana ay ku sii jeedday magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Axmed Macallin ayaa intaa ku daray in duuliyeyaasha diyaaradda ay si degdeg ah u soo sheegeen in cilad farsamo ay qabsatay, taas oo keentay in ay go’aan ku gaaraan in ay dib ugu soo laabtaan garoonka Muqdisho.

Diyaaradda ayaa markii ay isku dayday in ay ku degto dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, ka baxday dhabbaha, kaddibna ku dhacday badda ku dhow garoonka, taas oo sababtay cabsi iyo walaac xooggan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa 50 qof oo rakaab ah ay saarnaayeen diyaaradda, waxaana isla markiiba bilaabmay howl-gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.

Mas’uuliyiinta garoonka iyo hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii ay badbaadeen, iyadoo la xaqiijinayo xaaladdooda caafimaad, lana wado baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay ciladda farsamo iyo shilka diyaaradda.

Wixii Faah faahin ah ee kusoo kordha gadaal ayaan idinkaga soo tebin doonnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here