Go’aan uu Madaxweyne Cirro soo saaray oo baajiyey mudaharaadyo la filayay in ay ka dhacaan Somaliland.

0
36

Axad 10, Aug 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweynaha Somaliland  ayaa xalay soo saaray go’aan uu ku hakiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta oo Jimcihii ay kordhiyeen shirkaddaha isgaarsiinta Somaliland.

Kulan xalay ku dhex maray xarunta Madaxtooyada madaxweynaha iyo madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel ayaa la isku afgartay in gebi ahaanba la hakiyo qiimo kordhintaasi, oo dadweynaha Somaliland ay ka biyo diideen.

Madaxweyne Cirro, ayaa waxa uu ku sheegay qoraalkan uu soo saaray in qiimihii hore dib loogu celiyey adeegyada internet-ka iyo ku hadalka telefoonnada, wuxuuna yiri: “waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.”

Waxa uu intaasi ku daray Madaxweyne Cirro “Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xiriir ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Go’aankan madaxweynuhu xalay ku hakiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, ayaa waxa uu baajiyey mudaharaadyo dadweynuhu abaabulayeen oo maanta ka dhici lahaa magaalooyinka Somaliland oo ay kaga soo horjeedeen qiimo kordhintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here