Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wadatashi dheer kaddib uu go’aansaday inuu aqbalo gogosha wadatashiga siyaasadeed ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha, ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ka hortagga firaaq dastuuri ah iyo in la helo xal loo dhan yahay oo badbaadiya dowladnimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo khatar ku ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, iyadoo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee jira ay sii wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo tan bulsho. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa digniin ka bixiyay in xaaladdan ay fursad siin karto kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, Daacish iyo cid kasta oo dano gurracan ka leh Soomaaliya, si ay u waxyeelleeyaan amniga iyo jiritaanka dowladnimada curdanka ah.
Goluhu wuxuu si cad u adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo in shirka wadatashiga uu ku qabsoomo jawi kalsooni leh, niyad-sami ku dhisan, isla markaana wada-hadalladu noqdaan kuwo miro dhal ah.
Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka ee la ansixiyay sannadkii 2012-kii, iyo in ajandayaasha shirku noqdaan kuwo mudnaan gaar ah u leh xaaladda dalka.
Ajandayaasha ay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku baaqeen in diiradda la saaro waxaa ka mid ah amniga guud ee dalka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish; in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorasho ee lagu soo dooranayo hay’adaha Dowladda Federaalka; xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka; iyo wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee ka taagan guud ahaan Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddiga farsamada ee golaha, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), loo xilsaaray dhammaan diyaargarowga farsamo ee la xiriira ka-qaybgalka shirka.







