Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag udhaliilay dagaalka ka socda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

0
17

Isniin 30 March 2026 {HMC} War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag loogu dhaliilay dagaalka ka socda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee ay Ciidamo Mucaarad ku ah Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Kuwa Dowladda ay maanta ku galeen magaalada Baydhabo, kaas oo ay goluhu ku eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ayaa sheegay in dagaalkan uu sababi karo cawaaqib xun oo ay ka mid yihiin dhiig-daadasho, burbur hantiyeed iyo xaalado bani’aadantinimo oo sii xumaada, iyagoo xusay in mas’uuliyadda arrimahaas si toos ah ugu dhacayaan hoggaanka sare ee dowladda iyo cid kasta oo taageerta tallaabadaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada in dagaalkaasi keeno xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka caalamiga ah, kuwaas oo gaari kara heer dambiyo dagaal.

Golaha wuxuu carrabka ku adkeeyay in falalka noocaas ah ay leeyihiin masuuliyad shakhsiyadeed oo laga qaadi karo heer qaran iyo mid caalami ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeedkooda ku sheegay in iyadoo dalka uu wajahayo xaalado adag oo isugu jira abaaro, dhaqaale xumo iyo khataro amni, gaar ahaan kuwa ka imanaya Al-Shabaab, uu soo jeedinayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, in la ilaaliyo shacabka rayidka ah iyo hantidooda iyo in dib loogu laabto wadahadal siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii, Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka fogaado tallaabo kasta oo hurin karta colaad sokeeye, taasoo halis gelin karta midnimada qaranka iyo geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here