Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.

0
6

Khamiis 5 March 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gurmadka abaaraha iyo casriyeynta adeegyada dowladda.

Golaha ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib, cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobo (7) heshiis oo caalami ah iyo hal (1) siyaasad qaran, kuwaas oo kala ah:

Heshiis is-afgarad oo lala galay Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka (Visa) Baasaboorka Diblumaasiga
Heshiis is-afgarad oo lala galay Ruushka, kaasi oo ku saabsan iskaashiga arrimaha caafimaadka.
Heshiis lala galay Spain ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiiska hey’adda Tamarta Atamka ee ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka.
Heshiiska ka ganacsiga sharci darrada ah ee daawooyinka maanka dooriya (1988).
Heshiiska fududeynta socdaalka caalamiga ah ee gaadiidka badda (FAL 1965).
Heshiiska habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika (APRM).
Siyaasadda mideysan ee maareynta wax-qabadka hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Safiirnimo loo dalacsiiyo labada mas’uul ee kala ah: Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan, kuwaas oo ka mid noqon doona diblumaasiyiinta matalaya dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray amniga iyo dagaalka AS, isagoo faray wasaaradaha in la dardargeliyo adeeg bixinta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here