Sabti 14 Feb 2026 {HMC} Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan hay’adda u qaabilsan Waxbarashada Dhaqanka iyo Cilmi-baarista (ALECSO).
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee ALECSO, Dr. Mohamed Ould Amar,Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo cilmi-baarista. Xubnaha wafdiga ALECSO ayaa Kusimaha Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu ka waddo Soomaaliya, iyo heerka wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha waxbarasho ee dalka.
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Ururka ALECSO doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo kobcinta cilmi-baarista. Waxa uu wafdiga ku boorriyey inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayada waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta jiilka cusub.






