spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub

0
18

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaamineysay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada ku aaddan diyaarinta iyo horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, iyo dhismaha hay’adaha dimoqraadiyadda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, isaga oo tilmaamay in Golaha Shacabka uu muddadan xoogga saarayo dhammeystirka dastuurka si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awooddooda, una helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wadashaqeynta, loona guda galo dardargelinta howlaha sharci dejinta ee mudnaanta leh, si loo xaqiijiyo dowladnimada iyo nidaamka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here