Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Cali ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka bisha Novembar ee sannadkan la qaban doono Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cabdikariim oo shir jaraa’id ku qabtay xarruunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay diyaar garow sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Doorashada.
“30 Bisha Novembar qof kasta oo ku nool Muqdisho waa inuu isku diyaarayaa sidii u coddeyn lahaa Doorashada qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Sidoo kale, wuxuu ururada diiwaan gashan ugu baaqay in ay soo dhammeystiraan shuruudaha sharci ahaanshiyahooda, sida in ay si rasmi ah u soo gudbiyaan Summadooda.
Dhawaan ayuu guddiga doorashada sheegay in dhammaadka bisha October la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka, balse waxaa yimid dib u dhac aan la sheegin sababta.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in Doorasho qof iyo cod ah laga qabto gudaha dalka gaar ahaan, doorashooyinka goleyaasha deegaanka.






