Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ku wajahan.

0
7

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa kulamo la qaadan doonna Wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Marka uu wafdigaan tago Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in uu la kulmo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashado mustaqbal Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu isbaddel cusub uu galay Maamulkaas.

Ammaanka Magaalada Baydhabo waxaa adkeeyay Ciidamada Federaalka, waxaana wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe ay tagi doonnaan Madaxtooyada uu ku shaqaynayay madaxweynihii iscasilay ee Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here