Jimco 2 April 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Asad Cusmaan Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Kulanka ayaa looga hadlay dar dargelinta howlgalada Khawaariijta looga sifeynaayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan howlgalkii waddo furista ahaa ee dhowaan khawaariijta looga xorreeyey wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyey dadaalada ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.




