Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada Koofur Galbeed.

0
10

Arbaco1 April  2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaasha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ka qeyb galayaasha kulanka warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha wafdiga uu hogaaminayo ee Baydhabo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo bulshada.

Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa warbixin ka siiyey howlaha ay bulshada reer Koonfur Galbeed u haayaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan dardargelinta u adeegida bulshada, isagoo u sheegay in ay shaqada wasaaradaha ay sii wadaan inta laga qabanaayo doorasho ay raali ka yihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye luxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here