Guddoomiye Muungaab oo fuliyay balanqaad oo lagu hormarinayo Xarumaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

0
7

Khamiis 9 April 2026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa fuliyay ballan-qaad uu horey u sameeyay oo ku saabsanaa bixinta kharashaadka lagu kabayo dugsiyada dawladda, si loo xoojiyo tayada iyo joogtaynta waxbarashada bilaashka ah ee ka jirta caasimadda.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, oo ay wehliyaan Agaasime-Waaxeedyada iyo Madax-qaybeedyada Agaasinka, ayaa kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada Dawladda, si loo xaqiijiyo heerka ay gaarsiisan tahay hirgelinta taageeradaasi iyo saameynta ay u leedahay hawlaha waxbarasho.

Maamulayaasha dugsiyada ayaa si cad u xaqiijiyay in lacagihii la ballan-qaaday ay si buuxda u soo gaareen, taasoo sare u qaaday awoodda dugsiyada ee bixinta waxbarasho tayo leh.

Waxay sidoo kale u mahadceliyeen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyagoo tilmaamay in taageeradan ay wax weyn ka tari doonto horumarka waxbarashada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo waxbarashada Gobolka Banaadir, iyadoo maamulka uu horey u shaaciyay in loo qoondeeyay lacag dhan $288,000 oo sanad dugsiyeed kasta lagu taageerayo dugsiyada, isla markaana la kordhin doono sannadaha soo socda.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa ku ammaanay Maamulayaasha Dugsiyada hoggaamintooda wax-ku-oolka ah iyo dadaalkooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in tayeynta waxbarashadu ay ku xiran tahay wadashaqeyn dhow oo u dhexeysa maamulka gobolka iyo bahda tacliinta, taasoo laf-dhabar u ah horumarka waxbarasho ee Gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here