Axad 25, Jan 2026 {HMC} Gudoomiyaha California Gavin Newsom, oo xubin ka ah xisbiga Dimuqraadiga, ayaa ugu baaqay Kristi Noem inay isaga tagto kursiga xoghayaha Amniga Gudaha.
“Kristi Noem waa inay is casishaa,” ayuu ku qoray bartiisa bulshada ee X.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay sarkaalka ilaalada xuduudaha Greg Bovino in “la eryo”, iyo in la joojiyo weerarrada masaafurinta ballaaran.
“ICE mar dambe ma masaafurinayo dambiilayaasha khatarta ah… Jooji militari ka dhigista ICE ,” ayuu qoray.






