Axad-21-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Shangaani ugu baaqay in ay kordhiyaan tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga Degmadaas iyo iskaashiga labada dhinac.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay indha-indhayn ku samaynayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo qiimeeyo heerka nabad galyada ka gaarsiisan yihiin si loo xoojiyo xasiloonida iyo kala dambaynta sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay in habka keliya lagu gaari karo amni uu yahay wada shaqaynta Hay’adaha Amniga iyo Shacabka oo si dhow ula socon kara xogta qofka xasilooni darrada ka shaqaynaya.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u diray Dadka leh guryaha dumay ee aanay dib u dhiska lagu samayn in dib loo dhiso si bilicda usoo hagaagto.
Warka kasoo baxay Gudoomiye Madaale ayaa imaanaya xili dhawaan kulankii ugu dambeeyay ee looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maamulka Gobolka looga hadlay xoojinta nabad galyada.



