Arbaco July, 9 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo deeq taageero iyo isgarab taag ah kala wareegay Dawlad G deegaan-ka soomali Galbeed Ethopia si loogu kabo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Idiris Jibriil, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Milateriga Bariga Itoobiya Kornayl Xasan, oo uu weheliyo kornayl C/risaaq Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’addaas, iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Weheliye, oo aay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha dowlad Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale, ayaa uga mahadceliyay DDS taageeradaas, kuna tilmaamay tallaabo dhiirrigelin leh iyo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan Alshabaab.
Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wajahayo Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dhinac
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in Maanta halganka aay ku jiraan reer hiiraan cidkasto garab u noqoto aay xasuus naan doonaan.







